Kullanka waxaa ka qaybgalay Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed, Cali Saciid Fiqi , Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Koonfurgalbeed, Madaxa Barnaamijka Baxnaano, Fardowsa Axmed Cabdullaahi, wasiirro ka tirsan maamulka iyo qaybaha bulshada ee magaalada Baydhabo.
“Barnaamijka Baxnaano wuxuu gaaray deegaanno badan oo Gobolka ah wuxuuna gacan ka gaystay isbadal bulsho iyo horumarinta nolasha dadka nugul.” ayuu yiri Cabdukadir Cumar Cabdullaahi, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Koonfurgalbeed.
Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sadiq Xirsi Warfa ayaa sheegay Dowladda Soomaaliya inay dadaal galinayso horumarinta Bulshada iyo deegaannada dalka, isagoo caddeeyay Barnaamijka Baxnaano inuu door wayn ka qaaddanayo sidii loo dhimi lahaa saboolnimada.
“Waxaan dadaal galinaynaa sidii aan ugu abuuri lahayn fursado qoysaska shaqeeya, kuwa ugu saboolsan iyo kuwa nugul ee dalka ku nool si ay u helaan kaalmo lacageed iyadoo ujeedku yahay in la soo afjaro saboolnimada.” ayuu yiri Wasiir Sadiq.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed, Cali Saciid Fiqi ayaa sheegay Barnaamijka Baxnaano inuu gacan ka geysanayo sidii bulshada ay ugu nagaadi lahaayeen deegaannadooda ,halkaa oo ay ku helayaan taageerro, halkii ay magaalooyinka usoo barakici lahaayeen, wuxuuna Dowladda Soomaaliya iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ku ammaanay dadaalka la xiriira horumarinta Bulshada nugul,isagoo sheegay in dhinacooda ay soo dhaweynayaan heerka fulinta ee Barnaamijka Baxnaano.
Barnaamijka Baxnaano oo qayb ka ah siyaasadda Ilaalinta Bulshada ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada,waxaa bishii April ka daahfuray Muqdisho, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cadullaahi Farmaajo, wuxuuna Barnaamijkan kaalmo lacageed muddo sannad ah ku taageerraya 1.3 milyan oo ruux ,kuwaaso ka mid ah qoysaska ugu nugul ee Soomaaliya.
Raadi
Qormooyinkii u dambeeyey
- Wajiga labaad ee mashruuca taageerraya Qoysaska Ayaxa saameeyay oo la daahfuray
- Dawladda Federaalka iyo Dawlad-gobolleedyada oo xoojinaya iskaashiga dhammeystirka Diiwaanka mideysan iyo xog-keydiyaha Bulshada
- Garoowe: Wasiir Duraan oo booqday deegaanno lagu diiwaangelinayo Qoysas Ayaxu saameeyay oo taageerro ka helaya Dawladda
- Dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed oo soo dhaweeysay heerka Howlgalka Barnaamijka Baxnaano
- Madaxweyne Farmaajo oo Daah-furay Barnaamijka Baxnaano ee lagu taakuleynayo qoysaska danyarta ah